U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Soo Dhoweeyey Doorashadii Aqalka Sare Ee Jubbaland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa soo dhoweeyey doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo, ee xildhibaannada maamulkaasi ku doorteen xubnaha aqalka sare ee dhankooda matali doona.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in guul ay tahay qaabka ay doorashadaasi u dhacday.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa haweenka ugu hambalyeeyay Halka Kursi ee ay ka heleen 8-da xubnood ee aqalka sare kaga soo aaddey maamulka Jubbaland.

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka

jubbaland

Goobjoog News