U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo u Digey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa uga digey madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya farogelin uu sheegay iney ku hayaan maamulkiisa.

Waxa uu tilmaamay in dowladda saraakiishii ay usoo magacawday Jubbaland ay uga gollahayd isku dirka dadka Jubbaland iyo dagaal sokeeye oo dhaca waa sida uu hadalka u dhigaye.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in mas’uuliyadda dowladda ahayd isku keenista shacabka Soomaaliyeed, ka warqabka amnigooda, balse aanay ahayn in colaad ay ka abuurto gobollo xasiloon.

“In la yiraahdo hebel iyo hebel ayaan idiin magacawnay, waxaan rabnaa inaan ka digo oo aan ka bixinno digniin, dowladda federaalka mas’uuliyiinteeda ha u hoggaansamaan shuruucda wadanka, taas ayaa waxay keeneysaa inaan la nimaadno hoggaanka, wadankaan maanta uba baahna dagaal sokeeye, Jubbaland 2013-kii ayeey kasoo gudubtay xaalad tan oo kale ah, dad lasoo diro, xaalad dagaal ah oo la abuuro, dhibaato la geysto, waxaan rabaa inaan kula taliyo madaxda federaalka in hammigooda, fekerkooda iyo dareenkooda saaraan dadka ay mas’uulka ka yihiin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya iney la timaado waxqabad muuqda, ayna ku mashquulin maamullada dhisan ee ay ku mashquusho sidii dalka wax looga qabana lahaa, iyadoo mid ahna loo wajihi lahaa la dagaalanka Al-shabaab.

Hadalkaan Axmed Madoobe ayaa imaanaya kadib markii shalay Kismaayo dib looga soo celiyey Taliyaha NISA Jubbaland iyo ku xigeenkiisa, kuwaasi oo dhowaan ay magacawday dowladda federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News