U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Ugu Baaqey Madaxweyne Farmaajo Wax Ka Qabashada Amniga Iyo Abaaraha Dalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortey ee Soomaaliya Maxamed Cabadullaahi Maxamed Farmaajo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Farmaajo ay shaqooyin badan ay sugayaan, islamarkaana looga baahan yahay inuu u dhabar adeego.

Waxa uu Madaxweyne Madoobe uu hoosta ka xarriiqey in waxyaabaha u baahan degdeg wax uga qabashada kamid yihiin abaaraha dalka ka jira, amniga iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

“Aad baan kugu hambalyeenayaa mudane Madaxweyne, waan ka wada hadli doonnaa waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto sida amniga, abaaraha iyo dhib badan oo maanta dalka uu ka jiro” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhanka kale qoraal kasoo baxay maamulka Puntland ayaa iyana waxaa loogu hambalyeey madaxweynaha la doortey ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Goobjoog News