U bood dhigaalka

Axmed Madoobe Oo Wada Hadal La Gelaya Xubno Kasoo Horjeeday Maamulkiisa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu safar ku tagay degmada Doolow ee gobalka Gedo, isaga oo kasoo amba baxay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa safarkiisaan lagu sheegay in uu kusoo xalinayo xubno isaga maamulkiisa kasoo horjeeda, kuwaasi oo Gedo ku sugan.

Waxa uu degmada Doolow kula kulmi doonaa gudoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda maamulka Jubbaland, siyaasi Maxamuud Sayid Aadan iyo sidoo kale gudoomiyaha Ahlu-sunada Koonfureed Sheekh Aw-libaax oo iyaguna maamulkaasi diidan.

Xubnahaan oo ay wehlinayaan saraakiil iyo siyaasiyiin kale waxaa shalay degmada Baardheere ka waday madaxweyne ku xigenka Jubbaland Jeneraal Fartaag oo dhexdhexaadintaasi wada.

Axmed Madoobe iyo mas’uuliyiintaan kale ayaa is hor fariisanaya, waxaana la doonayaa in laga wada hadlo khilaaf walba oo taagan iyo sidii wax lagu xalin lahaa.

Wada hadalladaan ayaa imaanaya xilli 15-ka bishaan magaalada Kismaayo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaha Jubbaland iyo ku xigeenkiisa.

Goobjoog News