U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Soomaaliya Maanta Waxqabad Bay u Baahan Tahay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa oo ka qeybgalaya shirka London ayaa ka hadlay rajada xilligaan laga qabo shirkaasi iyo waxa uu kaga duwanaan karo shirarkii hore ee Soomaalida loo qaban jirey.

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in markaan ay beesha caalamka si toos ah ugala hadli doonaan iney wax muuqda u qabtaan Soomaaliya, kana dhabeeyaan balanqaadkooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in beesha caalamka ay u sheegi doonaan in haddii aysan Soomaaliya wax u qabaneyn iney madaxda ka daayaan safarada dibadda ah ee mar walbo ugu yeeraan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan rajeynayaa in shirkaan uu noqon doono mid ka duwanaan doono kuwii hore ee Soomaalida dibadaha loogu qaban jiray, annaga Soomaalidii ahna aan ka fikireyno in wax maamuus ah oo la taaban karo shirka la tagno, qolyaha shirka qabanaya ee UK ugu horreysana aan rabno inaan niraahno war qaan hana saarina waxqabad dhab ah inoo sheega, ka qaad oo u qaad yaanay nagu noqon, waxaad inoo balanqaadaanna nasiiya, Soomaaliyana maanta waxqabad bay u baahan tahay, Mas’uuliyiinta Soomaalida waxaa ceeb ku ah in marbo meel looga yeero oo ay tagaan oo ay kasoo noqdaan, waxaan isku dayeynaa inay wax ina taraan ama iney safarada bannaanka ah naga daayaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Maalinta berri ah waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ka furmi doona shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay dowlado badan ka qeybgali doonaan.

Goobjoog News