U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Waa in Xuquuqaha La Leeyahay La Kala Helo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay dhammeystirka dastuurka qabyada ah ee dalka u yaalla.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in dastuurka haddii la dhammeystiro la helayo xuquuqa la kala leeyahay, sidoo kalena ay caddaan doonto awoodda dowlad goboleedyada.

Wuxuu madaxweynaha Jubbaland hadalka ka sheegay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo shalay uu ka furmay shirka dib u eegista dastuurka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News