U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Waa Nasiib Darro In Dhallinyarada Soomaaliyeed Ku Dhammaadaan Badaha”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ugu horeen tacsi ka diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyooday doonidii ku qallibantay badda cad xilli ay doonayeen in Yurub ay usii gudbaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin in xilligaan la joogo ay dhallinyaro Soomaaliyeed oo nolol raadis ah ay badda ku qaraqmaan.

Waxa uu tilmaamay in dhibaatada ugu badan ay keentay dhallinyaro kale oo sawirro iska soo qaada una soo dira dhallinyarada kale ee dalka ku sugan kuwaasi oo u sheegaya in Yurub ama dalalka kale ee ay joogaan ay nolol wanaagsan ka jirto, taasina ay keento in dhallinyaro badan ay dalkii ka cararaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in sidoo kale nasiib xumo ay tahay in dhallinyaradii qaarkood badaha ku dhamaadaan, kuwo ku biiraan Al-shabaab, kuwo kalena ay ku dhintaan Qaraxyada dalka ka dhaca.

“Waxaan is leeyahay waxyaalaha dhacayo waa waxyaabo la xallin karayo, waa wax hadii dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo beesha Caalamka isu tagaan in xal laga keeni karo”

“Maanta hadii wax Shabaab Dilo, waxna qarax ku dhintaan, waxna ay badda ku dhintaan, inna ay gaajo iyo abaar u dhimato, Jiilkan hadda ah wuu dhamaanayaa dadkaan berito yaa u ah, waa ayo cidda ay sugayaan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in xal loo heli karo dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka ka carareysa hadii ay isku yimaadaan dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo sidoo kale beesha caalamka.

Ugu Dambeyn Axmed Madoobe ayaa ku taliyey in dhallinyarada Soomaaliyeed loo sameeyo shaqo abuur sidoo kalena la yeero ajaaniibta dalka ka shaqeysa.

Doon ay la socdeen 500 qof una badan Soomaali ayaa ku degtay badda u dhaxeysa Masar iyo Liibiya, waxaana la badbaadiyey oo kaliya 23 qof.

Goobjoog News