U bood dhigaalka

Axmed Madoobe: Wax Farqiya Oo U Dhaxeeya DF Iyo Al Shabaab Haba Yaraatee Ma Jiro

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 2-aad ee baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa uu dowladda federaalka ah ku eedeeyay in aysan waxba kaga duwanayn dhaqdhaqaaqa Al shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Farmaajo hadii fekerka ay wadato aad ka hor timaado sidaasi aad ku noqonayso khaa’inul wadan, waxa uuna tilmaamay in fekerkaasi feker la mid ah ay adeegsadaan Al shabaab.

“Maanta dowladda federaalka ah ee jirta haddii sida ay rabto ama riyadeeda aad ka hor timaado khaa’inul wadan baa tahay camiim baa tahay dad kalaa u shaqeysaa iyga iyo Al shabaab maanta maxay ku kala duwan yihiin, wax farqiya oo maanta u dhaxeeya dowladda federaalka iyo Shabaab habayaraatee ma jiro” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa dowladaha Qatar iyo Turkiga ugu baaqay in ay joojiyaan ciidamada ay u tababarayaan dowladda federaalka ah, isaga oo madaxweyne Farmajo ka dalbaday in ay wadahadlaan.

“Qatar lacagta ay dalka ku duminayso ha joojiso, Ethopia saraakiisha dhaqanka xun ha ceshato, Madaxweyne Farmaajow Madaxweynahaygii baa tahay aan wada hadalno wixii uu dastuurku kusiiyo qaado wixii uu aniga ii ogal yahayna isii” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland ayaa waxa uu yahay mid aad u liita ka dib dib u doorashadii 22-kii August magaalada Kismaayo dib loogu soo doortay madaxweyne Axmed Madoobe, iyada oo dowladda Farmaajo ay sheegtay in natiijadii ka soo baxday doorashadaasi aysan aqoonsanay, waxaana sidoo kale dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedka ay ka taaganyihiin gobalka Gedo oo dowladda ciidamo geysay.

Goobjoog News