U bood dhigaalka

Axmed Madoobe “Wax Ka Qabasho La’aanta Amniga Waxaa Horseedi Kara Isla Xisaabtan La’aan”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in isla xisaabtan la’aanta dalka ka jirta ay horseedi karto in aan lagu guuleysan wax ka qabashada amniga guud ee dalka.

Madoobe ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in la is weydiiyo meesha amniga laga sugi la’ yahay iyo caqabadaha jira.

Al-shabaab ayuu sheegay iney awood u yeeleyso isla xitaabtan la’aanta dalka ka jirta, islamarkaana ay muuqato in aan loo diyaar garoobin in AL-shabaab dalka laga saaro.

AMISOM iyo dowladaha kale ee caawiya ayuu sheegay in aanay sidii loo rabay u fulin howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in aan la diyaarin ciidan qaran oo dalkooda iyo dadkooda amnigiisa xaqiijiya, lana dagaallama Al-shabaab.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jubbaland ayaa ka codsaday beesha caalamka iyo dowladda federaalka Soomaaliya in si dhab ah loo wajaho ka shaqeynta amniga Soomaaliya.

Goobjoog News