U bood dhigaalka

Axmed Madoobe“Xisaab celinta dowladda waxaan ka siineynaa Social Media”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dowladda dhexe ay qoraal ku aadan in xisaab celin soo sameeyaan maamul goboleedyada ugu soo qortay baraha bulshada, iyaguna si taa la mid ah ay xisaab celinta ku sameyn doonaan isla barahaasi.

Waxa uu sheegay in dowladda aanay wax badan ka helin maamullada, isaga oo tusaale usoo qaatay lacag 50 Milyan ah oo dowladda Sacuudiga ka timid in maamul goboleedyada dhammaan laga siiyey min Hal milyan, taasi oo ka dhigan in 45 Milyan ku hartay gacanta dowladda.

“Xisaab celinta dowladda waxaan ka siineynaa Social Media…dowladda hasoo beeniso 50 milyan oo sacuudiga laga keenay Milyan Milyan baa maamullada laga siiyey, shirkii Baydhabana waxaa naloogu soo dhiibay 500 kun, wasiirka maaliyadda Jubbaland waxaan ka rabaa in wasiirka Maaliyadda uu Social Media ugu diro qarashka aan ka helnay” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay maamulkiisa isla xisaabtanka, balse loo baahan yahay in loo soo maro wadada saxda ah.

Goobjoog News