U bood dhigaalka

Axmed Modoobe oo Dagaalka Ka Soconaya Duleedka Kismaayo Ku Tilmaamay Mid Sokeeye

Sheeko:Amniga

Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa asbuuc ka dib markii ugu horeysay ka hadashay dagaal labo beelood ku dhexmaraya deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, waxaana ka dhashay  dagaalkaasi dhimasho iyo dhaawac badan oo soo kala gaartay labada dhinac, iyada oo madaxweyne Axmed Madoobe uu dagaalkaasi ku tilmaamay mid sokeeye.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxweynaha dowlad gobaladeedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in nasiib darro ay tahay in dadka uu ka dhaco dagaal sokeeye iyadoo lagu jiro sanadka 2020-ka isaga oo tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay dagaalka waxaana uu yiri.

“Waa wax laga xumaado iyadoo lagu jiro sanadka 2020-ka ay dhacaan dagaallo sokeeye, sidaas si la eg madaxweynuhu waxaa uu ka digayaa kana tacsiyeynayaa dagaalka ka soo cusboonaaday deegaannada gobolka Jubbada hoose ee hoos yimaado Kismaayo”

Si lamid ah Madaxweynaha ayaa xusay si  loo badbaadiyo in dhiig dambe uu ku daato inuu  amar u jeedinayo  laamaha amniga Jubbaland isaga oo  daalbaday in ay gacan bir ah ku qabtaan sharcigana ay horkeenaa cid weliba oo ku lug ku leh hurinta colaadda duleedka Kismaayo.

“Si looga hortago loona badbaadiyo inuu dhiig dambe uu daato madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland wuxuu ku amrayaa dhammaan laamaha amniga Jubbaland in gacan bir ah ay ku qabtaan sharcigana hor keenaan cid kasta oo dagaalka lug ku leh jabisana xabadjoojinta lagu dhawaaqay” ayaa lagu yiri waxsaxaafadeedka ka soo baxay madaxweyne Axmed Madoobe”

Dagaalkan oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo noqnoqonayey duleedka Kismaayo ayaa waxaa cid weliba ay sheeganaysaa lahaanshiyaha deegaannada Fuumo Biriq iyo Kooma, kuwaas oo ah dhul daaqsimeed dhaca dhanka xeebta ee gobolka Jubbada hoose , xabad joojinta maamulka Jubbaland  uu ku dhawaaqay ayaan la ogeyn sida ay u dhaqan geli karto maadaama labada ciidan aan si rasmi ah loo kala qaadin.

Goobjoog News