U bood dhigaalka

Axmed Qorqor oo u diiday Sarreeye Gaas Dahir Indhaqarshe in uu u tartamo kursigii uu reerkiisu ku maamuusay “Meel Waddani Geesi ah Wax Ka doonto ma aha Galmudug” S/Gaas.

Sheeko:Amniga

Dahir Indhaqarshe S/Gaas Daahir Aadan Cilmi oo labojeer horay usoo noqday taliyihii xoogga dalka ayaa Axmed Qorqor u diiday in uu u tartamo kursiga Golaha Shacabka uu reerkiisu ay ku maamuuseen taas oo niyadjab shakhsi ah ku abuurtay isaga oo ku tilmamaay xadgudub weyn oo isaga lagu sameeyey maadaama uu yahay muwaadin si hagar la’aan ah ugu soo shaqeeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed mudo nus qarni ku dhow.

Sidoo kale waxaa qaadan waa ku noqday dadkii deegaan-doorasheedka Sarreeya Gaas Dahir Indhaqarshe in go’aankoodii la tixgelin waayo.

Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarhse oo sidoo kale ahaa hoggaamiyeyaashii dagaalkii xoreynta Soomaali Galbeed ee 77 ayaa ciidamada xoogga dalka ugu baaqay in ay ka fiirsadaan cidda ay shaqada u qabanayaan.

S/Gaas Daahir, oo saaka la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in aan laga aamusi karin wax ka socda gaboodfallada uu wado Axmed Kaariye Qoorqoor isaga oo ugu baaqay reer Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iney ka dhiidhiyaan. Haddaba, Waa Kuma Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarhse:

General Daahir Aadan Cilmi, waxaa uu ku dhashay caasimadda Mudug ee Galkacyo 1948-dii, isaga oo waxbarashada hoose kusoo qaatay Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buuloburde, Shabeelle Intermediate School” ee magaaladda Jowhar iyo Dugsiga Sare ee Banaadir Sare ee magaalada Muqdisho.

Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarhse, waxaa uu aqoonta Jamacadeed ku soo qaatay Maraykanka “University of Massachusetts Boston” isaga oo ku biiray ciidanka xoogga dalka ee Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Sofiyet hadana ah Yukrayn, Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA).

General Daahir Aadan Cilmi Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-aad, Qeybta 26-aad), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed. General Daahir Aadan Cilmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay hawlkarnimo, hoggaamin, maamul hufan iyo geesinimo.

Waxuu sidoo kale qaatay billad dahabka (Geesiga Qaranka ) ee ciiddanka xooga dalka Soomaaliya oo uu gudoonsiiyey General AUN Maxamed Siyaad Barre waxa uuna ku muteeystay wacdarihii u ka dhigay dagaalkii 1977 dii ee Xorayntii Soomaali Galbeed ahaana guutadii qabatay Qabri Daharre oo ahayd magaaladii labaad ay qabsadaan Ciidanka Soomaaliya.

Wuxuu noqday laba jeer taliyaha ciidanka Xoogga Dalka, sannadkii 2012 ayaa madaxweynihii 8aad Mudane Xassan Sheekh u magcaabay taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) Sarreeye Gaas Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), waxa uu xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed uu wareejiyay Bishii September sanadkii 2015ka waxa uuna muujiyay inta uu hayay hooggaanka talada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxqabad muuqda oo waxa uuna ku guuleeystay inuu furo warbaahin ku hadasha Codka Ciidamada Qalabka Sida iyo Tayada iyo tababarada ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.

Mar kale 2018 ayaa loo magcabay Taliyaha Guud ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed cidanka ugu tobar dibada ah loo diray 2019 si sharaf leh ugu wareeji Gen. Odawaa Yuusuf Raage.

General Daahir Aadan Cilmi, oo ah khabiir xagga amniga, waxaa uu ku jiraa halyeeyada nool oo qeyb ka ahaa istaraatiijiyadda ay dowladdii Xasan Sheekh ay Al-shabaab uga saartay 26 degmo, waxaa uuna sumcad ku leeyahay ciidanka dhexdiisa, laakin waxaa muuqato in Qoorqoor aanu ixtiraamin taariikhdaas.