U bood dhigaalka

Axmed Tahliil Oo Loo Magacaay Xilka Tababare Ee Kooxda L.L.P Jeenyo

Sheeko:Cayaaraha

Kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo oo ka mid ah naadiyada ugu weyn dalka ayaa waxaa xilkeeda macalimino loo magacaabay Axmed Tahliil Cali oo horay u ahaa kabtanka naadiga sanadihii lasoo dhaafay.

Waxaa soo maray ciyaaryahano badan L.L.P Jeenyo tan iyo aas aaskeedii 2012 xidigihii halkan kusoo caan baxay waxaa ka mid Maxamuud Mayman,Cabdi Casiis Catoosh,C/qaadi Daandii,Aadan Gabyow,Mustaf Nakuja,Daa’uud Tubaal,Feysal Xasan Xaashi iyo laacibiin kale oo aad u tira badan kuwaas oo iminka ku sugan dalka iyo dibada.

Bartamahii bishii April 2017 waxa ay kooxda sheegtay in ay ka baxday ka qeybgalka horyaalka Somali Premier League,balse da’daalo ka imaaday madaxda iyo ciyaaryahanada iyo taageerayaasha ayay dib ugu soo laabtay tartamadda kubbadda cagta gudaha.

29-December 2017-wasaarada howlaha guud iyo guryeenta Dowlada Fedraalka ayaa dib usoo celisay kooxda Jeenyo waxaana wasiirkii hore ee wasaarada howlaha guud iyo goryeenta Saadaq Cabdullahi Cabdi uu sheegay hadii uu joogo xafiiska iyo hadii kalaba uu taageerayo magaca taariikhiga ee L.L.P Jeenyo intii joognay xafiiska waxa uu ku guulaystay mataaneeynta kooxaha Anataalaya oo ka dhisan Turkiga iyo L.L.P Jeenyo oo ka mid naadiyada ugu waaweyn kubbadda cagta dalkeena.

Tan iyo kooxda markii uu ka tagay tababare Salaad Faarax Xasan dad badan ayaa sheegay in maqaamkii Jeenyo ay hoos u dhacday,balse kolkii ay soo baxday in Axmed Tahliil uu la wareegay xilkii macalinimo waxaa soo noqotay kalsoonida taageerayaasha iyagoo mustaqal wanaagsan u rajeeynaya layliyahooda cusub.

                  Tahliil Inta Uu Ku Sugnaa L.L.P Jeenyo Maxaa U Qabsoomay

Kooxda Gaheyr ayuu 2010-kii kula guuleestay horyaalka heerka labaad,iyagoo kolkaa ku qaaday guul daro la’aan ama (Am Beating).

Maarso 2012 waxaa dib loo soo celiyay kooxda L.L.P Jeenyo ama Jeenyo United Axmed Tahliil waxa uu ka mid ahaa ciyaaryahanadii lagu aas aasay wuxuuna la qaaday 2-koobka oo Jeneraal Daa’uud 2014 iyo 2016,Somali Super Cup 2014 iyo labo koob oo ah xusida 15-May.

Inta Jeenyo u dheelayay ma uusan qaadan kaarka gaduun ama (Red Card) sidoo kalane waligiisa kooxdiisa ama xiriirka kubbadda cagta kalama uusan kulmin wax ciqaab ah ama ganaax taasina waxa ay cadaynaysaa da’daalkiisa horomarineyd ee xirfadiisa kubbadda cagta wuxuuna ka mid yahay haldooradii ugu wanaagsanaa ama ugu safashada badnaa L.L.P Jeenyo.

                Waajibaadka Xulka Qaranka Dalkiisa

2010 waxaa loo magacaabay ciyaaryahanada 17-jirada xulka qaranka ee Ocean Stars ee aaday dalalka Qatar iyo Masar isla sanadaa 2010 Axmed Tahliil waxaa loogu yeeray 20-jirada oo tartan ugu qeyb galay dalka Jabuti.

2012 kooxda kubbadda cagta Saxafi oo iminka ka dheesha horyalka heerka labaad ayuu u raacay wadanka Komoros oo lagu qabanayay koobka Jamaacada Carabta wuxuuna ka mid ahaa xidigihii caawinayay kooxda Saxafi FC.

 2012Axmed Tahliil Cali waxaa ka mid noqday xulka qaranka waaweyn ee ka qeyb galayay tartanka Bariga iyo Bartamaha Africa ee marti geliyay wadanka Uganda wuxuuna lasoo shaqeeyay tababarayaal iyo ciyaaryahano kala .gedisan sanadihii kala duwanaa oo ka mid ahaa safka xulka,isagoo yeeshay saaxiibo badan.

2013-Tahliil waxaa loogu yeeray ka mid noqoshada xulka qaranka ee ka qeyb galay ciyaarihii Bariga iyo baratamaha Afrika ee ka dhacay dalka Kenya.

2014-2016-Wuxuu ka mid ahaa waajibaadka qarankiisa,balse tartamadii loo qorsheeyay in ay ka qeyb galaan ayaa u baaqday celado farsamo wixii intaa ka danbeesay Tahliil kama uusan kasoo muuqan,isagoo kaalin wacan ka qaatay dhiiri gelinta da’yarta soo koraysa ee dhinaca ciyaaraha.

        Ka Hor Xilka Macalinimo Horayn Ma Usoo Noqday

2014-Axmed Tahliil waxa Macalin u noqday kooxda Degmada Warta Nabadda ee ka qeyb gashay ciyaarihii kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir waxa uu soo saaray xirfadlayaal tiro badan oo ka mid yahay Feysal Xasan Xaashi.

Tahliil waxa uu ka qeyb qaatay guulaha laacib Feysal Xasan Xaashi markii uu kasoo baxay degmada Warta Nabadda waxa uu ka dhaa dhicyay keenida L.L.P Jeenyo waxa uu halkaa ku noqday (Super-Star) fasal ciyaareedkii kowaad waxa kooxda guulaystay gool dhalinta horyaalka Somali Premier League wuxuuna ku qaaday 17-gool isla sanadkaas Feysal waxaa loogu wacay xulka qaranka 20-jirada sanadii 2016.

Isla dhamaadka sanadii 2016 Xaashi waxa uu kooxda Jeenyo la hantay koobka Jeneraal Da’uud waxayna L.L.P kaga guulaystay Banaadir SC oo iminka loo bixiyay magaca dowlada hoose ee Muqdisho wixii intaa ka danbeesay Feysal Xasam waxaa diirada uu noqday naadiyada waaeyn ee kubbadda cagta gudaha ugu danbeyna hadafkiisa ahaa hanashada horyaalka kubbadda cagta ayuu la qaaday kooxda Dekedda fasal ciyaareedka 2017-2018.isagoo dhanka kale Booska 2aad ka galay gool dhalinta horyaalka Somali Premier League.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Tababare Axmed Tahliil Cali

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2021799171452310/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Email-[email protected]