U bood dhigaalka

Axsaabta Dalka Oo Taageeray Warmurtiyeedkii Ka Soo Baxay Dowlad Goboleedyada Dalka

Sheeko:Dalka

Axsaabta Siyaasadda ee dalka ayaa War saxaafadeed ka soo saaray warmurtiyeedkii shalay ka soo baxay Madaxda Maamul goboleedyada dalka kaasi oo ahaa in ay hakiyeen xiriirkii wadashaqeyneyd ee ay lalahaayeen dowladda dhexe.

Axsaabta siyaasadda ayaa taageeray go’aankii Maamul goboleedyada ay ku hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe,waxaa ayna dhaliil u soo jeediyeen Xisbiyada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay hareer martay shaqadii loo idmaday.

War-murtiyeed laga soo saaray shalay shirkii golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in lagu hakiyey xiriirkii ka dhaxeeyey dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxa ay dowlad goboleedyada sidoo kale ku eedeeyeen dowladda dhexe farogelin gudaha maamullada ah.

 

 

 

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada