U bood dhigaalka

Axsaabta Dalka Oo Xasan Sheekh Iyo Jawaari Ku Eedeeyay Magacaabista Odoyaal Dhaqameed Ka Baxsan Liiska 135ta

Sheeko:Dalka

Isbaheysiga ururrada dalka ka jira ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho iyagoo ka hadlay arrimo wiiqi kara doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo murashax madaxweyne kana tirsan isbaheysiga ayaa saxaafadda u akhriyay qodobo dhowr oo ku diidan yihiin odayaal la sheegay in lagu daray liiska odoyaashii 135-ka ahaa ee horay loo ogaa.

Ururrada dalka jira waxaa ay eedeeyeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in ay wadaan odoyaal sharci darro ah.

Qodobada Warsaxaafeedka:

Waxaa ay sheegayaan in Jawaari uu magacaabay oday dhaqameed cusub oo lagu siyaadiyay oday dhaqameedkii hore 135ta ahaa.

isbaheysiga Axsaabta dalka waxaa ay ka soo horjeedaan faragelinta qaar ka mid ah madasha ay ku hayaan liiska oday dhaqameedka 135ta ah ee la isku raacay shirkii Baydhabo.

Waxaa kaloo kooxdan ay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dadaalayo in odayaal cusub lagu daro liiska odayaasha 135ta ah sida oday ay sheegeen in loo magacaabay reer Ow Xasan oo ka mid ah beesha 5aad.

Isbahaeysiga xisbiyada dalka marna ma aqbali doono isbadal lagu sameeyo liiska odoyaasha 135ta ah ee la isku raaca ay sheegeen.

Madasha waxaa ay kaloo sheegeen in ay aqoonsan yihiin in liiska lagu soo daro Ugaas Xasan Ugaas Khalig Ugaas Rooble.

Axsaabta waxaa ay ku doodayaan in madasha isku badashay gole uu Xasan Sheekh ka sameysto  sida uu doono.

Guddiga dooarashada dadban ee heer federal iyo reer gobol ayaa looga digay in aaney fara gelin odayasha dhaqanka ee la aqoonsan yahay.

Goobjoog News