U bood dhigaalka

Axsaabta Siyaasadda Somaliland oo Go’aan Mideysan Ka Qaatay Arrimaha Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Axsaabta siyaasadda Somaliland ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid oo maanta kulan la qaatay guddiga doorashooyinka maamulka ayaa go’aan midaysan ka soo saaray doorashooyinka loo ballansan yahay March 2017.

Xisbiyada ayaa isku raacay iney jirto xaalad abaareed oo baahsan sidaa darteedna ay iska hor imaanayaan doorashada iyo xaaladda abaareed oo u baahan gurmad ballaaran.

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa xusay iney isku raaceen doorashada inaaney ku qabsoomi karin xilligeeda balse muddo kordhinta xukuumadda loo maro waddo sharci ah:

“Maanta waxaa noo yeedhay Komishinka qaranka ee doorashooyinka Saddexda guddoomiye waxaaney naga codsadeen arrintan abaaraha iyo doorashooyinka ee isku soo beegmay ee adag in xisbiyadu ay keenaan soo jeedintooda iyo wixii ay ka qabaan, Saddex qodob baanu u geynnay; ka Koowaad, waxaan isku raacnay saddexdayada xisbiba in dalka ay ka jiraan abaar baahsan oo saameyn weyn ay ku leedahay wakhtigii doorashada loo qabtay ee ahayd 28, March, oo ay iska hor imaanayaan, Labad xisbi ee mucaaradka ah iyo Kulmiye Labo ra’yi ayay kala jeediyeen, Kulmiye waxa uu jeediyay in arrintaa xalliteeda iyo furdaaminteeda loo raaco hab sharci ah, Labada xisbi ee mucaaradkuna iyagoo midaysan Waddani iyo Ucidna waxay soo jeediyeen in 6-bilood dib loo dhigo”.

Faysal Cali Waraabe, murashaxa xibiga mucaaradka ah ee Ucid ayaa isna sheegay iney soo jeediyeen in muddo 6 bilood ah xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Siilaanyo loo kordhiyo:

“Maanta waa naloo yeedhay, waxaan isla garannay in abaartani ay abaar xun tahay, Nus Qarni waa abaartii ugu xumeyd ee ka dhacday Geeska, gurmadkan aan imika wadno mid ka ballaadhan ayaa loo baahan yahay in xeryo loo abuuro lagu quudiyo dadka, xoolihii dhamaade oo kii 2-kun lahaa 2 boqol ayaa u haray, in arrintaa degdeg loo galo waan isla aragnay, waxaa caddaatay inaaney is qaabili karin oo ay iska hor imanayaan in doorasho wakhti dhow la qabto iyadoo abaaartani ay jirto, waxaan leenahay 6 bilood doorashada dib halloo dhigo oo aan xoogga saarno abaaraha iyo badbaadada dadkeenna”.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna sheegay in ay aaminsan yihiin mudada ugu gaaban ee abaarta looga bixi karaa tahay 6 bilood:

“Sidaa la sheegay kulan muhiim ah baanu la yeelannay guddiga doorashooyinka sadexdayada guddoomiye, waan isla gorfeynnay xaaladda guud ee qarankeennu marayo, marka Koowaad waxaan isla garannay in dalkeenna ay ka jirto abaar baahsani, waxaan isla garannay oo kale iney iska hor imanayaan abaarta baahsan iyo qabsoomidda doorashada 28, March, 2017, Labada ra’yi ee xisbiyaduna waxa uu noqday mucaaradka oo u arkay wakhtiga ugu yare e laga bixi karo xaaladdan doorashana lagu qaban karaa iney tahay 6 bilood, tan labaad xisbiga Kulmiye wuxuu soo jeediyay in xaaladdan wax ka bedelkeeda loo raaco sharciga oo xal sharci ah loo helo, waxaan rajeynayaa inuu xalkaasi noqdo mid soo afjara murankii jiray, Illahayna waxaan ka baryaynaa inuu abaarta inaga soo jabiyo”.

Xisbiyada siyaasadda Somaliland iyo guddiga doorashooyinka ayaa mudadii ugu dambeysay ku kala aragti duwanaa doorashooyinka, iyadoo labada xisbi ee mucaaradku ay doonayaan in muddo macquul ah lagu kordhiyo muddo xileedka xukuumadda Kulmiye, halka xisbiga Kulmiye ee talada hayaa ay aaminsan yihiin in gacanna wax lagu doonto, ganacta kalena wax loogu qabto dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee reer miyiga u badan.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada