U bood dhigaalka

Axsaabta Siyaasadda Somaliland oo Ka wadahadlay Abaaraha iyo Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Guddoomiyeyaasha axsaabta siyaasadda Somaliland ee Kulmiye, Waddani, oo shir ku yeeshay Hargeysa Talaadadii, ayaa ka wadahadlay xaaladda abaaraha iyo doorashooyinka oo muddo gaaban ay ka harsan tahay.

Kulanka oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa natiijadii ka soo baxday ay noqotay in la isla garto gudmadka abaaraha, waxaase la isku fahmi waayay arrimaha doorashooyinka oo lagu kala aragti duwanaaday.

Kulanka kadib ayaa axsaabtu waxay la hadleen saxaafadda oo ay uga xog warrameen qaabka ay wax iskula meel dhigeen iyo haddii uu jiro arrimo ay isku khilaafsan yihiin.

Marka hore waxaan isku waafaqsannahay dalka waxaa ka jira abaaro baahsan oo dalka oo dhan camimay oo aad u culus, Illahay anaana naga dulqaadi kara.

Ugu horreyn waxaa saxaafadda la hadlay Muuse Biixi Cabdi oo sheegay iney isku waafaqeen arrinka abaarta, laakiin ay isku khilaafasan yihiin tan doorashada iyo wakhtigeeda:

“Labo qodob ayaan isla soo qaadnay mid wuxuu ahaa abaarta iyo Doorashada, mid waan isku waafaqsannahay oo dhaamaanteen in loo guntado oo fadhiga laga kaco dadkaa abaaha waan ka mideysannahay, taasi waa inoo ballan dhaamaanteen waxaana hormood ka noqonaysa xukuumadda, tan doorashada Labo ra’yi ayaan maanta isku keennay, haddaanu xisbu xaakimihii nahay waxaanu istaaganay doorashada wakhtiga la goonayo waxaa iska leh iyo ka hadalkeeda guddiga doorashooyinka komishinka qaranka, iyagaa leh xaaladda qiimeyntooda, iyagaana ku dhawaaqi kara sidaa hala yeelo, kaas ayaan u hoggaasameynaa haddaan nahay xisbu xaakimka iyo xukuumadda labadaba, qoloda kalena tub taa ka duwan bay keeneen waanan ku xitiraameynaa waana dow in xisbiyadu mararka qaar ay ra’yiyo kala duwan qaataan”.

Intaa ka dib waxaa isna saxaafadda la hadlay C/raxmaan Cirro oo ah musharraxa madaxweyne ee xisbiga Waddani, waxa uu sheegay in ay isku waafaqsan in marxaladdan hadda aan doorasho lagu geli karin, laakiin ay isku khilaafeen wadda loo abaarayo doorashada oo ay tahay in talo qaran laga gelo, waxaan hadalladiisi ka mid ahaa:

“Axsaabtu maanta waxay iskugu yimaaddeen oo aan ka doodaynnay labadaa arrimood ee muhiimka ah, abaar iyo doorashooyinka oo noo qorsheysnayd March 28, 2017, marka hore kala ra’yi baan noqonnay xisbul-xaakimka taa macneheedu maaha waanu kala tagnay, maanta kala ra’yi baanu nahay laakiin barrito kala ra’yi baan noqon karnaa, wadahadalladu waa noosii socon doonaan haddii Alle idmo, waxay noogu muuqatay dalku inuu badbaado u baahan yahay in badbaada la horreysiiyo lagana tashado wakhtigan wakhti aan ahayn oo dhaw doorashada mala qaban karaa, bil ha noqdo, labo bil ha noqdo si uu dadku ku soo noqon karo roobna u da’o, ra’yigaas ayaan qabnay”.

Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha iyo musharraxa xisbiga Ucid ayaa dhankiisa sheegay in ay ku heshiiyeen inaan la heshiin, isagoo xukumadda Kulmiye ku eedeeyay iney marka ay dantooda ka arkaan ay  guddiga doorashooyinka ay talada u dhiibayaan mar kalena ay ka tillaabsanayaan:

“Labada guddoomiye way taabeen, waxayna arrintu mareysaa ‘waxaan ku heshiinnay inaan waxba lagu heshii’ , komishinka waad ogeydeynoo waxa uu soo saaray Time Table , doorashadu iney wakhtigeedii dhacdo 2015 Juun, canaan baa ka soo raacday, shaqaba kuma lihidiin baa la yiri waxan inaad idinku goysaan, waa tii lagu diidee 22-ka bilood lagu daray, markaa komishku maaha wax marka loo baahan yahay lasoo qaadanayo, mar kalena la tuurayo horta in laga dhigo maaha, maanta arrinta taagani arrin komishin(Guddiga doorashooyinka), annaga waxay nagula muuqataa iney bilaa damiir tahay in baanta oo dalkeenna abaarta taagani tahay mid aan horey noosoo marin, tii 1974-kii Ruushku noosoo gurmaday tii oo kale weeye, maanta Ruushna ma haysanno, inaan badbaadada dadkeenna ka fakarnaa weeye”.

Si kastaba, xaaladda hadda Somaliland ka jirta ayaa saddexda xisbi isku waafaqsan yihiin inaan doorasho ku qabsoomi karin wakhtiii loo ballansanaa ee 28, March, 2017, laakiin waxaa la isku khilaafsan yahay sida ay noqon doonto xilliga kala guurka iyo wakhtiga ay tahay in lagu kordhiyo doorashooyinka.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada