U bood dhigaalka

Axsaabta Siyaasadda Somaliland Oo Shuruud Cusub Ku Xiray Wada Xaajoodka DF Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka  ee Ucid Faysala Cali Waraabe ayaa sheegay in wadahadalka ay Soomaaliya la galayaan loo baahan yahay inuu ka dhaco meel beesha caalamka ay kor joogto ka tahay, isaga oo carrabka ku adkeeyay inaan loo baahneyn waddama deriska ah ay shirka soo xaadiraan.

Injneer Faysal ayaa xusay in dhankooda ay ogolyihiin wadahadallada, laakiin waxaa uu hoosta ka xariiqay in madasha wadahadallada ay ahaato madal caalami ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa; ” Wadahadalka ogolnahay, balse waxaan dooneynaa madal caalami ah oo dad ina kala qabta oo hadhow wixii aan ku heshiinno grantee waa inuu noqdo”

Sidoo kale Faysal oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in madasha hadalka aan loo baahneyn in ay soo xaadiraan dowladaha deriska sida Eratiya, Itoobiya iyo Jabuutti, asaga oo sabab ugu dhigay in dowladda Soomaaliya ay u dhaw yihiin oo ay dhankeeda xigsanayaan, waxaana uu yiri ”Waxaa wadahadalladaa aan soo galeynin waddamada loo yaqaano front countries, Jabuutti waxaan niri ku marti galinmeyno, Itoobiya waxaan niri kama soo qeybgaleysid, Eratariya kama Soo qeyb galeysid, maxaa yeelay; dano gaar ah ayey leeyihiin Xamar ayey ku milmeen.”

Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Muuse Biixi aqbalaaddii uu aqbalay soojeedintii beesha caalamka ayaguna xisbi ahaan ay qaateen diyaarna ay u yihiin.

Hadalka guddoomiya xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Ucid Injineer Faysal Cali oo ku hadlay magaca Axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo beesha caalamka ugu baaqaday Soomaaliya iyo Somaliland in ay dib u bilaabaan wadahadalladii u dhaxeeyay oo muddo hakad ku jiray.

Goobjoog News