U bood dhigaalka

B/weyn Oo Laga Furay Xarunta Keydka Gargaarka Musiibooyinka

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Maanta waxa uu Magaalada Baladweyne ka daahfuray xarunta Keydka gargaarka Musiibooyinka ee uu yeelanayo gobolkaasi.

Hirgalinta Xaruntaan waxaa iska kaashaday Maamulka gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah hay’adaha Samafalka ee ka howlgala gobolka.

Ujeedka Xaruntaan ayaa ah in lagu Keydiyo gargaarka kala duwan si haddii Musiibooyin ay gobolka uga dhacaan in si degdeg ah ay caawimaad u helaan bulshada ku dhaqan Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, C/laahi Axmed Maalin Sufurow ayaa sheegay in xaruntaan ay noqon doonto meesha ugu horreysa ee gurmad laga helo marka ay Musiibo dhacdo.

“ Nasiib waxaan u yeelanay in aan Maanta Fureyno hoygii la galin lahaa agabka dadka barakacyaasha, Furitaanka xaruntaan waxaa ay timid ka dib wadashaqey dhex martay Maamulka iyo hay’adaha Samafalka, Wadatashigii hay’adda DRC iyo Maamulka wadashaqeyn dhexmaratay ayaa lagu hirgaliyey xaruntan oo noqon doonta Keydka Musiibooyinka Hiiraan”.

Tallaabadan ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli sanadihii ugu dambeeyay ay Musiibooyin iskugu jira Abaaro iyo Fatahaado ay ka dhaceen gobolka Hiiraan kuwaasi oo galaabatay nolosha dad badan oo ku noolaa gobolkan.

Goobjoog News