U bood dhigaalka

B/weyn Oo Lagu Soo Bandhigay Ciidamo Sugaya Amnigeeda

Sheeko:Amniga

Waxaa Maanta lagu soo bandhigay magaalada B/weyn ee caasimadda gobolka Hiiraan ciidamo gaar ah kuwaasi oo loo diyaariyay in ay sugaan amniga Magaalada.

Ciidankan ayaa markii hore loo aqoon jiray ciidamada Xasilinta balse hadda waxaa loo badalay magacooda ciidanka amniga ee B/weyn, waxayna ka koobanyihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada sida Booliska, Nabad sugidda iyo Milatariga.

Madasha lagu soo bandhigay ciidamadan waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Saraakiil ciidan oo ka tirsan ciidamada XDS iyo marti sharaf.

Guddoomiyaha B/weyn Maxamed Cismaan Cabdi ayaa sheegay in Ciidamadaan ay muhiimaddoodu tahay sugidda amniga B/weyn isaga oo sidoo kale dardaaran u jeediyay ciidanka.

“Ciidamadaani waa ciidamada Amniga loogu talo galay in ay sugaan, ciidamadaan waa ciidamo aan soo xulnay oo dhallinyaro ah hadana aqlaaq leh amniga waxaa uu dan u yahay shacabka “.

Ciidankan ayaa waxaa ay sugi doonaan amniga Magaalada B/weyn waxaa ayna ka koobanyihiin qeybaha kala duwan ee ciidamada.

Goobjoog News