U bood dhigaalka

B/weyne: 1,400 Arday Oo u Fariisanaya Imtixaanka Dowladda Ee Dugsiyada Sare

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu si rasmi ah uga billowdo qaadista Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaasi oo ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Imtixaanka maanta billaabanaya ayaa waxaa u fariisanaya 1,400 oo arday, waxaana magaaladaasi shalay gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Aw Daahir.

C/laahi Axmed Maalin Sufurow, guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin caawinta wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka iyo tan maamulka Hirshabelle.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in ay amniga kaalin weyn ka qaadan doonaan, islamarkaana wasaaradda waxbarashada sidey wax u dejisay u dhici doonaan.

“Illaa Sanduuqyada Imtixaanka lagu qaaday diyaaradda laga saaro waxaan idiin sheegeynaa inaanan seexan doonin, wasaaradda sidey wax u dejisay ayeeyna wax u dhici doonaan” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda federaalka ayaa Imtixaankan horey dib ugu dhigtay kadib fataahaddii Wabiga Shabelle ee magaalada B/weyne.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News