U bood dhigaalka

B/weyne: Arday Lagu Dhex Dilay Iskuul Uu Wax Ka Baranayey

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in lagu dhex dilay Iskuulka Mujammac mid ka mid ah ardayda dhiganeysa iskuulkaasi.

Ardaygan waxaa dilay arday kale oo la sheegay in shalay uu gacan ka hadal dhex maray, hase ahaatee uu maanta soo qaatay Mindi islamarkaana ku dhuftay xilli fasalka lagu jiray, ardayga la dilayna uu ku mashquulsanaa qorista duruusta.

Ardayga dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Macallin, waxaana la qabtay ardagii gacan ku dhiiglaha ahaa xilli uu isku dayey inuu halkaasi ka baxsado.

Macallimiinta iyo maamulka Iskuulka ayaa sheegay in arrintan ay naxdin ku noqotay maadaama aanay fileyn in fal sidaas oo kale ah ka dhici karo fasalkooda.

Goobjoog News