U bood dhigaalka

B/weyne: Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Toorey Ku Dilay Haweeney

Sheeko:Amniga

Ciidmada ammaanka magaalada B/weyne ayaa ku guuleystay soo qabashada nin la sheegay in uu Toorey (mindi) ku diley haweeney ka mid ahayd kuwa ka ganacsada Khaatka.

Ninkan ayaa la sheegay in uu isku dayey haweeneydan oo lagu magacaabayey Xaliimo Ilyaas inuu si xoog ah uga qaato khaatka, balse ay iska diidday, taasina ay keentay in uu toorey ku dilo, isaga oo markaasi halkaa ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka oo sameeyey howlgal degdeg ah waxay ku guuleysteen iney soo qabtaan ninkaasi, sidey inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehlada haweeneyda la dilay.

Taliska ciidanka Booliiska ee B/weyne weli wax faah faahin ah kama aanu bixin dilkan iyo sidoo kale ninka wax diley ee ay soo qabteen.

Goobjoog News