U bood dhigaalka

B/weyne: Saraakiil Xoogga Dalka Ah Oo Kormeeray Xerooyinka Ciidamada (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Saraakiil  ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay kormeer ku sameeyeen xerooyinka ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin magaaladaasi.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, Jeneraal Maxamuud Maxamed Macallin Koronto ayaa hoggaaminayey saraakiishan, waxaana ay u kuurgalayeen xaaladda amniga ee magaaladaasi.

Sidoo kale, saraakiishan ayaa doonayey iney la socdaan xaaladda guud ee ciidanka xoogga dalka iyo howlahooda shaqo.

Waxay saraakiishan la kulmeen ciidankii Westland ee dhowaan lagu daray ciidanka xoogga dalka, waxaana saraakiisha ciidankaan dalbadeen in la qalabeeyo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News