U bood dhigaalka

B/weyne: Shan Askari Oo Kasoo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Sheeko:Amniga

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 27-aad ee gobolka Hiiraan ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwadda loo haysto askar ka tirsanaa ciidanka dowladda oo gaaraya Shan.

Saddex ka mid ah askartaan ayaa loo haystaan iney isku rasaaseeyeen gudaha B/weyne, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Sidoo kale, Labada askari kale ayaa iyaguna ku eedeysan iney sameeyeen jidgooyo sababtay dhaawaca dad shacab ah.

Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo bandhigtay dambiyada ay galeen askartaan, kuna baaqay xafiiska in cadaaladda la waafajiyo askartaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News