U bood dhigaalka

B/weyne: Wabiga Shabelle Oo Keenay Biyo Ka Badan Kuwii Hore

Sheeko:Dalka

Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada B/weyne ka imaanaya ayaa waxay sheegayaan in Wabiga Shabelle uu keenay biyo aad uga badan kuwii hore ee saameeyey magaalada.

Xaafado yar oo markii hore aanay gaarin biyaha ayaa lasoo sheegayaa in biyo badan ay ku rogmadeen, waxaana taasi ay saameysay dad aan horey u barakicin.

Biyahan soo galay magaalada B/weyne ayaa waxay aad usii adkeeyeen xaaladdii adkeyd ee ka jirtay magaaladaasi, iyadoo magaaladana aysan hadda geli karin noocyada kala duwan ee gaadiidka.

Gaadiidkii ugu dambeeyey ee magaaladaasi ka shaqeynayey ayaa ahaa kuwa loo yaqaan cagafta, hase ahaatee iyagiina marar badan ayeey rogmadeen oo waxaa ku dhintay dhowr qof.

Shacabka ka barakacay magaalada B/weyne ayaa ku sugan duleedyada magaaladaasi, welina ma aanay helin gurmad ku filan.

Goobjoog News