U bood dhigaalka

B/xaawo: Dad Lagala Baxay Guryahooda Kadibna La Dilay

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in saakay lagu arkay degmadaasi Meydadka Saddex qof oo mid ay haweeney tahay.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in dadkaan xalay ay rag hubeysan kala baxeyn guryahooda, kadibna ay soo dileen.

Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo ay ku baadigoobayaan dadka dilkan ka dambeeyey, iyadoo aanay jirin wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada B/xaawo.

Lama oga dadka dilkan geystay waxa ay ahaayeen iyo sidoo kale ulajeedka Saddexdan qof loo dilay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News