U bood dhigaalka

Baahiyo Caafimaad Oo Ka Jira Deegaannada Galmudug

Sheeko:Caafimaadka

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha caafimaadka .

Mas’uuliyiinta ka tirsan wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha caafimaadka ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa kor u qaadista caafimaadka ee deegaannada Maamulka Galmudug iyo sidii caafimaadka loo gaarsiin lahaa deegaannada fog fog ee gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Naciima Maxamed Catoosh ayaa sheegtay in deegaannada Galmudug ay ka jirto baahiyo la xiriira dhanka caafimaadka isla markaasna loo baahanyahay in hay’adaha ay wax badan ka qabtaan si looga hortago dhibaatooyinka ka dhalan karo caafimaad darrida.

“Waxaan la kulannay haddaan nahnay bahda caafimaadka hay’adihii ka shaqeynayay Galmudug kulankeenna waxaa uu ku saabsanaa sidii aan warbixin u kala qaadan laheyn ilaa hadda caafimaad ahaan waxaan ku jirnaa xaaladaha degdegga ah waxaa jira isku dhexyaac badan iyo hay’ado badan oo iska soo gala gobolka iyaga oo aan wasaaraddu ogeyn “.

Kulanka ay wada qaateen wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo hay’adaha caafimaadka ee ka howlgala deegaannada Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli bilihii ugu dambeeyay ay socdeen dadaallo lagu xoojinayo sidii kor loogu qaadi lahaa xaaladda Caafimaad ee deegaannada uu ka arrimo maamulka Galmudug .

Waxaa deegaannada laga hirgalin doonaa xarumo caafimaad oo ay isla kormeeraan wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha si loo yareeyo baahiyaha caafimaad ee ka jira deegaannada Galmudug.

Goobjoog News