U bood dhigaalka

Kaamirooyinka Lagu Xiray Hareeraha Waddooyinka Oo La Qarxiyay

Sheeko:Amniga

Arroornimadii saakay ayaa waxaa si weyn magaalada Muqdisho gaar ahaan Jidka Maka Al-mukarama laga maqlay jugta qaraxyo lala beegsaday baallayaasha ay ku xiran yihiin kaamirooyin ay leedahay hey’adda nabad sugidda ee NISA.

Qaraxyadaan ayaa wax ay si gaara uga dhaceen agagaarka isgoyska dabka, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay qaraxyada ka dib maqleen rasaas ay ridayeen ciidan la sheegay in ay ku sugnaayeen saldhigga degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Agaasimaha NISA, Fahad Yaasin Xaaji oo fikradda kaamirooyinka lahaa, waxaa uu rumeysnaa in wax badan ka tari-doonaan ammaanka gobolka Banaadir, laakin hadda waxaa uuba  sugi waayey amniga Kaamirooyinka.

Ma jirto wali wax wara oo ka baxay laamaha ammaanka dowladda oo ay kaga hadlayaan qaraxyadan lagu gubay kaamirooyanka qarsoon ee lagu xiray hareeraha waddada.

30-kii Janaayo ayey ahayd markii sidan oo kale loo qarxiyay, cidna looma qaban arrinkaas taasi oo keentay in mar kale lagu dhiirado.

Goobjoog News