U bood dhigaalka

Baaq Loo Diray Beello Ku Dagaallamay Hirshabelle

Sheeko:Amniga

Waxgaradka ku dhaqan deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa ugu baaqay beello isku haya deegaannada maamulkaasi in ay nabadda qaataan oo ay joojiyaan dagaalladan.

Suldaan Mahdi C/risaaq oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog in ay ka waxgarad ahaan aad uga xun yihiin colaadahan soo noq-noqday.

Waxa uu Suldaanka si gaar ah ula hadlay maamulka Hirshabelle oo uu sheegay in laga doonayo kaalin mug leh iney ka qaataan dagaalladan.

“Annaga waan ka xunnahay colaadahan ka jira deegaannada Hirshabelle, waxaan leenahay idinka ayaa walaalo ah, ha is dilina, eegga danaha maatada, maamulka Hirshabelle waxaan leenahay kaalintiina ma muuqatee wax u qabta bulshada” ayuu yiri Suldaan Mahdi.

Deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe waxaa ka taagan dagaallo u dhaxeeya beello ku dhaqan halkaasi.

Goobjoog News