U bood dhigaalka

Baaq Loo Diray Maleeshiyaad Ku Dagaalamay Gobalka Mudug.

Sheeko:Amniga

Waxaa isi soo  taraya baaqyada  nabadeed ee loo jeediraayo laba maleeshiyo beeleed oo maanta ku dagaalamay deegaannada Afbarwaaqo iyo Toofiiq ee gobalka Mudug, kuwaas oo ka soo kala jeeda dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland, waxaana  loogu baaqay in ay joojiyaan dagaalka oo Khasaare labada dhinac  ah sababay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad oo qoraal uu kaga hadlaayo dhacdadaas soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu yiri “Dagaalka ka soo cusboonaaday Towfiiq iyo Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin”

Sidoo kale Mahad Cabdalle Cawad ayaa ugu baaq u diray ciidamada dowladda ee isku dhafka ah ee ka howlgala gobalka Mudug in ay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa dhiiga dadka walalaha ah ee daadanaayo waxaana uu yir “Guddiga nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah waa in ay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay”

Dhanka kale Murashax Madaxweyne Galmudug Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa ayaa dhankiisa  qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku yiri” Waxaan baaq nabadeed u dirayaa dadka Ehalka ah ee dagaaladu ku dhax mareen deegaannada Afbarwaaqo iyo Towfiiq”

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa xusay in labada dhinac midna aaney dagaal dani ugu jirin waxaan Khasaaro aheenna aan laga dhaxlin Dagaal waxaana uu yiri” Waxaan xasuusinayaa in colaadda aan ciduna ka faaideeyn, oo aan ku wada khasaareyno. Maamulada u dhaw iyo dadka deegaankaba waxaan ugu baaqayaa in dhibkaas lagu baxo lana qaboojiyo.اللهم أصلح ذات بينهم”

Baaqaan nabadeed ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo dagaallo sababay khasaare  dhimasho iyo dhaawacba leh ay ka soo cusboonaadeen  gobalka Mudug kuwaas oo u dhaxeeyo  laba Maleeshyo beeleed oo wadadaga deegaannada Toofiiq iyo Afbarwaaqo ee gobalka Mudug.

Goobjoog News