U bood dhigaalka

Baaq Nabadeed Loo Diray Beello Ku Dagaallamay Deegaanka Xawaadley Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Maxkamadda racfaanka ee gobalka Shabellaha Dhexe Sheekh Axmed Xaaji Ibraahim ayaa ugu baaqay inay nabadda qaataan beello dhawaan ku dagaallamay deegaanka Xawaadle ee gobalka Shabellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in dagaallada ay dhibaato ku yihiin dadka shacabka ah, islamarkaana laga doonayo dhinacyada is hayaha in ay nabadda ka taliyaan, una turaan shacabka ku dhex nool.

“Umadda deggan deegaanka Xawaadley ee ka tirsan degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe, waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan dagaalladaan soo noq noqday, waayo umadda meesha deggan waa walaalo, wixii dhacay wey dhaceen, waa in la xalliyaa waxa jira” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Shabellaha Dhexe ayaa ugu baaqay maamulka gobalkaasi in deegaanka Xawaadley ay geeyaan ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaasi oo suga amniga deegaankaasi.

Dagaallo soo noq noqday ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo laabtay dagaal beeleed ku bilawday qaab maleeshiyaad isku haysta qaadista lacago canshuur lagu sheegay, iyadoo halkaasi ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News