U bood dhigaalka

Baaqa Ku Aadan u Gurmashada Soomaalida Yemen Oo Sii Kordhaya

Sheeko:Dalka

Dalka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan waxaa ku sugan muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo halkaasi ku dhibban, waxaana isa soo tara baaqa ku aadan u gurmashada dadkaasi.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Yemen Xuseen Saalim Axmed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in wax loo qabto qoysaska kasoo cararay wadankaasi.

Wuxa uu sheegay in weli ay jiraan Soomaali badan oo ku dhibaateysan wadanka Yemen, hadii aan degdeg wax looga qabanna ay xaaladda kasii darayso.

Xuseen Saalim Axmed ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ugu baaqayaan in ay soo daad gureyso dadkaasi, waxaana sidoo kale uu sheegay in xitaa la doonayo in dadka imaanaya wax loo sii qabto.

Gudddoomiyaha ayaa tilmaamay in Soomaali badan ay qaxootinimo ugu nool yihiin wadanka Yemen inkastoo hadda badi ka soo carareen dagaallada iyo duqeymaha ka soconaya

Goobjoog News