U bood dhigaalka

Baaqii Aqalka Sare: Sheekh Bashiir Oo Iska Fogeeyey iyo Cali Wajiis oo Dhaxalgal Ku Tilmaamay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay iska soo daba dhacayey taageerada ay qeybaha kala duwan ee bulslada Soomaaliyeed, siyaasiinta, axsaabta dalka, isbaheysiyada, dowlad goboleedyada iyo xataa beesha caalamkaba u muujinayaan go’aanka uu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ku dhexgalayo dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ah iyo guddiga uu arrinkaas u saarayo.

Hey’adda culimada Soomaaliyeed iyo guud ahaan culimada oo hormuud ka ahaa dib u heshiisiinnadii hore ayaan weli ka hadlin baaqa aqalka sare, sidaasi darteed Goobjoog News ayaa la xiriirtay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

 Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah gudoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo aan baaqa aqalka sare wax ka weydiinney waxaa uu hadalkiisa ku soo koobay “ Arrintaas siyaasisad weeye, weli kama hadlin, kamana shirin”.

Dhankiisa, Sheekh Cali Wajiis ayaa soo dhoweeyey tallaabada aqalka sare isaga oo yiri “Talada ay soojeediyeen aqalka sare waa mid dhaxalgal ah, oo ah iney dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada wada tashtaan, oo mustaqbalka laga hadlo, arrintaas waa waajib diini ah, sunno ma aha”.

Sheekh Cali Wajiis oo sii hadlaya waxaa uu intaas ku daray “Arrinta guddoomiyaha aqalka sare iyo ku-xigeenkiisa 1-aad hormuudka ka yihiin oo sida aan ka fahmay ah in la isku yimaado, waa ku saxan yihiin 100%”.

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah oo ah wakiillada dowlada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ay ku leeyihiin baarlamaanka federaalak ah iyo dowladda dhexe ayaa go’aan ku gaaray inuu xal u helo khilaafka u dhaxeeya dowladda fedeaalka ah iyo dowlad goboleedyada, waxayna u saarayaan guddi uu hoggaaminayo guddoomiye Cabdi Xaashi, arrintaasina waxaa si weyn u soo dhoweeyey Soomaalida iyo beesha caalamka.

Goobjoog News