U bood dhigaalka

Baaqyo Nabadeed Oo Loo Dirayo Beello Ku Dagaallamay Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya baaqa nabadeed ee loo dirayo beellaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Caaqil Xasan Cilmi oo ka mid ah waxgaradka kasoo jeeda gobalka Galgaduud ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu sheegay inay aad uga xunyihiin dagaalada dhacaya.

Waxa uu dhinacyada is haya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah ay ku joojiyaan dagaalka, islamarkaana aan la layn dad aan waxba galabsan.

Cid walba oo ku dhaw halka lagu dagaallamayo ayuu ugu baaqay in xaaladda ay qaboojiyaan, islamarkaana ay ku baxaan dadkaan is leynaya.

“Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka socda, waxaan leeyahay meesha hadda uu joogo dagaalka halagu damiyo, annaga ka waxgarad ahaan waan ka xunnahaya, wixii dhici lahaa wey dhaceen fadlan dagaalka hala joojiyo, waan idiin baryeenaa walaalayaalow annaga waan soo soconnaa ee na gaarsiiya, yaan dadka la leyn waa in aad ogaataan inaad walaalo tihiin oo aad qaboojisaan xaaladda” ayuu yiri caaqil Xasan Cilmi.

Inta la ogyahay dad ka badan 10 qof ayaa ku dhintay dagaal qaab beeleed u abaabulan oo ka socda deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud.

Goobjoog News