U bood dhigaalka

Baaqyo Nabadeed Oo Loo Diray Maleeshiyaad Ku Dagaallamay Mudug

Sheeko:Amniga

Waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo maleehsiyo beeleedkii ku dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Deegaanka Afbarwaaqo iyo deegaanno kale ayaa waxaa ku dagaallamay maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland, iyadoo dagaalkaasina ku bilowday dhul daaqsin ah oo ay isku qabsadeen.

Kulan magaalada Gaalkacyo ku yeesheen waxgarad iyo siyaasiyiin ayaa loogu jeediyey dhinacyada is haya in xaaladdu qaboojiyaan, wax walbana wadahadal lagu dhammeeyo.

Xildhibaan Cabdi Kariin Khaliif Dhalac oo ka tirsan golaha shacabka oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu baaqay maamullada Puntland iyo Galmudug in arrintan ay si dhab ah u kala dhexgalaan.

Wuxuu sheegay xildhibaanka in xilligan aanay habooneyn in la daadiyo dhiigga dadka shacabka ah ee aan waxbo galabsan.

“Dagaalka wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, colaaddan soo cusboonaatay dadka Soomaaliyeed dan uguma jirto, waxgaradka iyo Odoyaasha dhaqanka waxaan ugu baaqayaa iney ku baxaan colaaddan sidoo kalena maamullada Puntland iyo Galmudug ay gutaan waajibka saaran” ayuu yiri xildhibaanka.

Ma jirto weli xal rasmi ah oo laga gaaray xiisaddan kasoo cusboonaatay deegaannadan ka tirsan gobolka Mudug, waxaana dagaalladii dhacay ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoog News