U bood dhigaalka

Baardheere: Ciidamada Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigay Walxaha Qarxa

Sheeko:Amniga

Ciidanka Nabad sugidda ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxay ku sheegeen iney ku qabteen walxaha qarxa.

War kasoo baxay taliska nabad sugidda ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in Miino nooca dhulka lagu aaso ay ka bixiyeen meel waddo ah, taasi oo ay tilmaameen in la doonayey in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan degmada Baardheere

“Ciidanka Nabad sugidda Jubbaland ee degmada Baardheere waxay miinadan kasoo saareen goob ay ku aaseen Argagaxisada Al-shabaab waxya doonayeen in shacabka ay ku dhibaateeyaan” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay nabad sugidda Jubbaland.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe waxa ay howlgal ka wadeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Goobjoog News