U bood dhigaalka

Baardheere: Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada oo La Dhaawacay

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa koox hubaysan waxa ay ku dhawaceen Degmadaas.

Gudoomiyaha Maxkamada oo Lagu Magacaaba Shiikh Ibraahin  Nuur Shacbaan waxana lagu dhawacay meel u dhow Gurigiisa.

Dhawac Gudoomiyaha  ka dib waxa goobta soo gaaray ciidamo ka  tirsan kuwa dowlada  federaalka Soomaalia.

Dad  ku sugan degmada  Baardheere ayaa sheegay in ciidamada dowlada  federaalka hada ay wadaan baaritaan ku aadan  ogaanshaha kooxdii  fulisay weerarka.

Goobjoog News