U bood dhigaalka

Baardheere: Khasaare Ka Dhashay Weerar Ay Xalay Soo Qaadday Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalka waxaa uu ahaa weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Jubbaland ee degenaa buundada Baardheere.

Cabsi-gelinta deegaanka marka laga soo tago, inta la ogyahay ilaa 4 ayaa ku geeriyootay dagaalka halka tiro kalana dhaawacmeen,

Wararka waxaa ay sheegayaan inuu yahay dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhaca Baardheere muddo sano ah.

Wararkan oo Faah-faahsan, Kala Soco, Goobjoog News