U bood dhigaalka

Baardheere: Maamulka Oo Lagu Wareejiyey Lacag Gurmad Ah

Sheeko:Dalka

Wafdi uu hoggaaminayo Maxamed Maxamuud Aadan oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo oo gaaray Magaalada Baardheere ayaa waxay ku wareejiyeen guddiga Fatahaadaha Baardheere deew lacageed oo ka timid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Deeqda la cageed oo maanta gaartay Baardheere ayaa waxay gaareysaa $25 kun oo doolar oo ka timid dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gedo ayaa sheegay in guud ahaan lacagta soo gaartay ay dhantahay 100 kun oo doolar, isaga oo sheegay in ay gaarsiiyeen lacagahaas qaar ka mid ah dadka ku dhibaateysan Gedo.

Gobolka Gedo iyo deegaannada hoos yimaada waxaa weli ka jira saameynta Fatahaadda Wabiga Jubba waxayna waxyeellada ugu daran ay soo gaartay dadka Barakacyaasha ah.

Goobjoog News