U bood dhigaalka

Baardheere Oo Lagaarsiiyey Gurmad

Sheeko:Dalka

Guddiga Fatahaadaha Baardheere iyo maamulka degamada ayaa maanta lagu wareejiyey deeq gurmad ah oo ka timid dalka Cumaan.

Deeqdaan oo ka kooban cuntooyin la cuno ayaa waxaa loogu talo galay 400 oo qoys kuwaasi oo barakac ku ah magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku heysato daruufo la xiriira dhanka nolosha.

Guddoomiyaha degamada Baardheere Cabdulaahi NuurXasan ayaa ka hadlay deeqda maanta la gaarsiiyey Baardheere.

“Meeshaan waxaan ku bixineynaa deeq loogu talo galay inay ka faa’ideystaan dadka reer Baardheere oo uu saameeyay Fatahaadda wabiga Jubba, deeqdaan waxaa noo soo dhiibay boqorka Cumaan iyo Shacabkiisa”.

Baardheere ayaa waxay ka mid tahay meelaha ay saameeyeen Fatahaadaha, waxaana hadda ku nool dad badan oo barakacyaal ah kuwaasi oo guryahoodii uu burburiyey Fatahaadda Wabiga Jubba.

Goobjoog News