U bood dhigaalka

Baardheere: Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Oo Loo Tababarayo Ka Faa’ideysiga Mashaariicda (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa ka soconaya tababar ku saabsan sidii bulshada uga faa’ideysan mashaariicda kala duwan.

Tababarkani oo galay maalintii Labaad ayaa waxaa uu ka soconayaa Xarunta Maamulka degmada Baardheere, waxaana ka qeyb galaya ergooyin gaaraya ilaa 20 xubnood kuwaasi oo ka kala socda maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada, Culimada, Dhallinyarada iyo Ururka Haweenka degmada.

Tababarkani oo uu soo qaban qaabiyey maamulka degmada Baardheere  ayaa Qodobada Muddada 3-da maalin ah ee looga doodi doona kamid ah Mashaariic ballaaran oo la doonayo in laga hirgeliyo degmada Baardheere iyo sidii Bulshada degmada ay u hanan lahayd Mashaariicdaasi oo isugu jira dib u dhiska iyo horomarinta deegaanka.

Mashaariicda horey la iskula meel dhigey islamarkaana la doonayo dhawaan in degmada laga hergeliyo ayaa waxaa ka mid ah, Hirgelinta nalalka ku shaqeeya Cadceedda oo gaaraya illaa 100 xabo, dhismaha Xarunta maamulka degmada, dhismaha xarunta wacyigelinta, dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Baardheere, moosidda biyo mareennada fatahaadaha iyo xarunta Wacyi gelinta Bulshada.

Qureesho Aaden waxay ka mid tahay Ururka Haweenka degmada Bardheere waxayna soo dhaweysay mashaariicda dhowaan laga hirgelin doono degmada Baardheere, waxayna sheegtay dadka deegaanka in ay baahi weyn u qabaan howlaha noocani oo kale ah.

Caddow Nuur Xasan oo ah Guddoomiyaha degmada Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay Mashaariicdani in ay ahmiyad ballaaran u leeyihiin bulshada ku dhaqan Magaalada Baardheere, waxa uuna sheegay bilaha soo socda in laga hirgelin doono degmada.

DSCN0380 DSCN0378 DSCN0363 DSCN0362 DSCN0361 DSCN0358 DSCN0357 DSCN0356 DSCN0353

Goobjoog News