U bood dhigaalka

Baardheere: Waddooyinka Oo Lagu Suray Nalalka Cadceedda Ku Shaqeeya

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobolka Gedo iyo degmada Baardheere ayaa xalay fiidnimadii isugu yimid wadada goobaha lagu xeray leyrarka cadceedda ku shaqeeyo ee laga hirgeliyay, waxaana tallaabada iyo adeegganba soo dhaweeyay dadka deegaanka iyo maamulka degmada.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Cabdullaahi Xuseen Xasan oo madashaas ka hadlay ayaa bogaadiyay hormarka ka socda degmada iyo leyrarka laga hirgeliyayba.

“Sidaad arkeysaanba waxaan joognaa xilli habeennimo ah oo dhammaan masuuliyiinta ay ku suganyihiin magaalada bartankeeda taas oo ay keentay system solar-ka oo laga hirgeliyay degmada Baardheere” ayuu yiri guddoomiyaha.

Guddoomiyaha degmada Baardheere Cabdullaahi Xuseen Xasan oo hadalka sii wato ayaa sii raaciyay in talaabadan ay tahay “hormar weyn oo ku siyaaday magaalada taas oo ka qeyb qaadaneysa amniga, ganacsiga iyo hormarkaba”

Ugu dambeyntii maamulka degmada ayaa shacabka degmada ugu baaqay in ay ilaaliyaan leyrarkaas oo ay u tixgeliyaan hanti ay wada leeyihiin oo uu masuuul ka yahay qof kasta.

Goobjoog News