U bood dhigaalka

Baaritaan Lagu Hayo Nin La Sheegay In Xaaskiisa Uu Ku Diley Garoowe

Sheeko:Amniga

Maamulka Magaalada Garoowe ee Caasiamda puntland ayaa sheegay in wadaan baaritaan ku aadan Shaqsi lagu soo eedeeyay in Xaaskiisa uu dilay.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday mid kamid ah xafadaha Garoowe gaar ahaan wadada Sodonka, iyadoo marxuumadda dilka loo geeystay la xaqiijiyay in galinkii danbe ee shalay la aasay.

Cali Salaad Diiriye, guddoomiye ku xigeenka magaalada Garoowe ayaa sheegay in shaqsiga dilka geystay gacanta lagu hayo, islamarkaana ciidanka dambi baarista ay wadaan sida ay ku ogaan lahaayeen qaabka dilka uu  dhacay.

“Hadda waxaa socda baaritaanka, waxaana la xaqiijinayaa sida ay wax u dhaceen iyo sidoo kale qaabka ninkan u diley xaaskiisa iyo waxa sababay”

Dhacdadan ayaa ah mid aad iyo aad looga hadalhayo guud ahaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Goobjoog News