U bood dhigaalka

Baaritaan Lagu Hayo Xildhibaanno Kenyan Ah Oo L Sheegay Iney Haystaan Baasaboor Soomaali Ah

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa baaritaan ku haysa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalkaasi, islamarkaana la sheegay iney haystaan Baasabooro Soomaali ah.

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuqa ee Kenya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanka 10 xildhibaan oo tuhunkaasi soo galay.

Xildhibaannada aadka loo tuhmayo ayaa waxaa ka mid ah, Safiya Sheekh Aadan, Aadan Barre Duacaale, Yuusuf Xasan Cabdi, Aadan Xaaji Cali, Maxamed Daahir, Maxamed Gaarane iyo kuwo kale.

Waxay hay’adani sheegtay in haddii xildhibaannada lagu helo ay waayi doonaan xilalkooda, walow ay xildhibaannadan beeniyeen arrintaasi oo ay sheegeen in aanay jirin dal kale oo ay dhalasho ka haystaan.

Goobjoog News