U bood dhigaalka

Baarlamaanka Britain Oo Dowladooda u Fasaxay Ka Qeybqaadashada Duqeynta Cirka Ee Lagu Hayo Daacish

Sheeko:Dalka

Mudanayaasha baarlamanka dalka UK ayaa si aqlabiyad ah ku ogolaaday in dowladda Britain ay ka qeyb qaadato duqeynta dhanka cirka ah ee lagu hayo ururka IS.

Dood dheer oo qaadatay 10 saacadood ayey mudanayaashu aad uga doodeen waxa laga dhaxli karo haddii in Britain ay ka qeyb qaadato duqeyn loo geysto goobaha ay Daacish ka joogto dalka Siiriya.

Mudanayaal gaaraya 397 oo coddeeyey waxaa taageeray qorshaha Ra’iisul wasaare David Cameron oo ah in IS Biritain ay duqeyso 223 mudane, taas oo macnaheydu tahay in Britain ay durbaba ku biirtay isbaheysiga ladagaalanka Daacish.

Mudanayaasha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka ayaa bar bar istaag u sameeyey qorshaha David Cameron, waxa uuna ka helay golaha codad ka badan kuwii hore loogu saadaaliyey.

Cameron oo hadlay cod qaadista kadib waxa uu sheegay in mudanayaashu ay u cadeeyeey in Britain ay ahaato meel ammaan ah, balse dadka ka soo hor jeeda ayaa aaminsan in dhaqaaqan cusub uu yahay tillaabo qaldan.

Wax yar uun ka dib go’aanka komoniska Afar diyaaradaha Tornado ayaa ka kacay dalka Qubrus in kastoo aan la ogeen halka ay ku wajahanyihiin diyaaradahaa dagaal oo ah kuwa Britain ay ugu tala gashay in ay ku weerarto saldhigyadda Daacish.

Khamiista maanta ah ayaa lagu wadaa in wasaradda difaaca Britain ay faah faahin ka bixiso goobaha ay bartilmaameyd sanayaan diyaaradahooda dagaalka.

Goobjoog News