U bood dhigaalka

Baarlamaanka Carabta Oo War Ka Soo Saaray Xaaladda Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Baarlamaanka carabta oo ka ambaqaadaya sida uu u taageerayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo Ilaalinta qarannimada iyo bedqabka dhuleed ee Soomaaliya iyo inuu dunida taageero ugu helo sidii Soomaaliya u gaari laheyd horumar iyo xasilooni ayaa waxaa uu:

Waxaa uu soo dhoweynayaa casuumaadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee qabshada shir wadatashi si loo helo xal wadar ogol ah, oo xoojinaya amniga iyo xasiloonida dalka, qeybna ka noqonaya in la gaaro heshiis meesha ka saara caqbadaha ku hor gudban diyaarinta doorasho guud, si loo xaqiijiyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee helitaanka nolol, amni iyo horumar.

Waxaa uu ugu baaqayaa dhinacyada kala duwa ee jamhuuriyadda iney qeyb ka noqdaan wadahadallada, hormariyaanna maslaxadda guud ee shacabka si loo gaaro midnimo qaran oo doorasho lagu qabto sida ugu dhaqsoyaha badan.

Waxaa uuna ugu baaqayaa jaamacada carabtq iyo beesha caalamka iney taageeraan dib u heshiisiin qaran oo lagu soo afjarayo dhibaatooyinka hortaagan diyaarinta doorashooyinka.

Waxaa uu cambaareynayaa weeraradii argigixiso ee ka dhacday caasimadda Muqdisho kowdii iyo saddexdii February 2021 kuwaas oo uu dhaawac iyo dhimasho kaso gaareen dad badan, waxay adkeyneysaa sida ay Soomaaliya ugu garab taagan tahay ladagaalanka argigixisada, kuna taageereyo talaabo kasta oo looga hortagayo kooxahaas ka shaqeeya fawdada iyo burburka.

Waxaa uu ugu baaqayaa jaamacad carabta iyo beesha caalamka in Soomaaliya ku gacan qabtaan sidii ay cagta u saari laheyd horumar iyo barwaaqo,

waxaa kale oo uu ku baaqayaa in la joojiyo faragelin kasta oo dibadda oo ku aadan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, lana taageero qaranninada Soomaaliya ee dhul, bad iyo hawada ee ka dhanka ah qabsashada gumeysataha cusub.