U bood dhigaalka

Baarlamaanka Ciraaq Oo Diiday In Gobolka Kurdish Degan-yihiin Uu Qaato Madaxbanaani

Sheeko:Dalka

Golaha baarlamaanka Ciraaq ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyey in gobolka Kurdistaan uusan qaadan madax banaani ama uusan ka go’in Ciraaq inteeda kale kaasi oo  doonayey in madaxbanaanida uu qaato shan iyo labaatnaka bishaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Ciraaq ayaa Saliim Al-jabawari ayaa bartiisa Facebookga waxaa uu ku soo qoray in cod loo qaado gobolka,waxaa uuna ra’iisulwasaaraha dalka Xeydar Al-cibaadi uu ugu baaqay in uu qaato go’aanada lagu mideynayo Ciraaq.

Ajandahaan ayaa waxaa u codeeyay 80 xildhibaan oo ka mida golaha shacabka waxaa uuna ajandahaan uu ka mid ahaa jadwal howleedka baarlamaanka.

Ra’iisulwasaare Xeydar Al-cibaadi ayaa horay u diiday in cod loo qaado gobolka Kurdistaan waxaa uuna ku tilamaamay inay tahay kutumashada dastuurka dalka.

Goobjoog News