U bood dhigaalka

Baarlamaanka Da’ yarta Soomaaliyeed oo War Murtiyeed Ka Soo Saaray Shirka Madasha Watashiga Qaran ee Hanaanka Doorashada 2016-ka

Sheeko:Baarlamaanka

Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament)  ayaa  Goobjoog News soo gaarsiiyay war murtiyeed ay ka soo saareen Shirkii Madasha Watashiga Qaran ee Hanaanka Doorashada 2016-ka ee Talaadaddii lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

War Murtiyeedka ayaa ku qornaa sida:

  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) waxay aad u soo dhaweenayaan War murtiyeedka ka soo baxay shirka soo xirmay ee Madasha Wada tashiga Qaranka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaanna dawrka Dhalinyarada ee lagu muujiyay war murtiyeedka.
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) waxaan soo si gaar ah u soo dhaweenaynaa in shirka lagu cad loogu qeexay in laga siiyo Dhalinyara, Haweenka …….iwm doorkooda ka muwaadin ahaan.
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) waxa ay qirayaan inaan la qaban Karin doorasho qof iyo cod ah balse lala yimaad hannaan u dhaw.
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) waxa ay codsanayaan in loo badiyo dhalinyara Guddiga Taakuleynta Farsamo (Technical Support Team) maadaama ay yihiin xubinta ugu firfircoon ee Bulshada.
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament)waxa ay diyaar u yihiin inay dawr muuqda ka qaataan Guddiga Hawl-fulinta Madasha (Task Force)
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) waxa ay ballan qaadaysaa in ay doorka dha li yarada eey buuxin doo naan oo eey kuxiridoo naan gudi kasta oo gobolada loodiro  Dhalinyarada gobalaadaaasi .
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) Waxeey kaloo diyaar u yihiin in eey dhalin yaradu eey ka qeyb qaataan door kooda dhalinyaranimo oo eey Kuleehiyiin siyaasada iyo dhaqanka Soomaaliyeed waxaanan u taaganahay in aan soo celino Qaranimadii Somaliyeed.
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) waxaanu in mudaa kasha qeeyneeynay isku xirka dhalinya Somaliyeed meel kastooy joogaan si loo soo celiyo mid nimadii Soomaaliyeed maadaaba eey dhalin yaradu yi hiin cududa qura oo ay Dowladkaste ku faanto.
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) waxa ay si xushmad leh u codsanaynaa inaan la baal marin Habraac hawl fulineed (Facilitation Guide) ee lugu qeexay madasha shirka.
  • Baarlamanka Da’ yarta Soomaaliyeed (Somali Youth Parliament) waxa ay mahad ballaaran uga celinaysaa dhammaan ka soo qeyb galeyaasha guud ahaan gaar ahaanna Taageerada ay Beesha Caalamku la garab taagantahay Bulshada Soomaaliyeed si ay u helaan Dowlad taam ah.