U bood dhigaalka

Baarlamaanka Dalka Oo Maanta Su’aalo weydiin Doona Xeer Ilaaliyaha Qaranka Iyo Hanti Dhowrka Guud

Sheeko:Dalka
Axmed Cali Daahir
Axmed Cali Daahir

Waxaa maanta la filayaa in baarlamaanka dalka ay hortagaan xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo sidoo kale Hanti Dhowrka Guud, ka dib markii shalay gudoonka baarlamaanka u yeeray.

Xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa mooshin ka keenay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Hanti dhowrka Guud Dr Nuur Faarax, waxaana la doonayaa in wax laga weydiiyo arimo ku aadan qoraalkii dhawaan ay socdaalka uga joojiyeen wasiirada xukuumadii cabdiweli ee Kalsoonida lagala laabtay.

Sidoo kale waxyaabaha mas’uuliyiintaan wax laga weydiin doono waxaa ka mid ah Xariga Agaasimahii wasaaradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka xukuumada Soomaaliya, ka dib markii lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed sida saxaafadda ay u sheegtay wasiiradda wasaaradaasi Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxaa jiray xildhibaano horay si adag uga hadlay amarka joojinta socdaalka wasiirada, kuwaa oo sheegay in ay tahay sharci darro, islamarkaana ay mas’uuliyiintaan kala xisaabtami doonaan.

Kulanka baarlamaanka iyo Su’aalo weydiinta mas’uuliyiintaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News